Madaweynaha dalka Zambia ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, Marwa Xaawo Xasan Maxamed.
Safiiradda ayaa ugu horreyn dhambaal iyo Salaam ay ka sidday Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia.
Sidoo kale wax ay xusuusisay Madaxweynaha dalkaas Safiirka xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyadoo la xusuusto in muddo Qarni ku dhow ka hor ay dad Soomaaliyeed u shaqo tageen dalkaas Zambia, taasina ay muujineyso walaalnimada iyo saaxiibtinimada ka dhexeya labada waddan.
Safirika Soomaaliya ee Zambia Xaawo Xasan Maxamed ayaa uga mahadnaqey sida sharafta leh oo ey u soo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Zambia.