Hadal-qoraal oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka “The Department of the Homeland Security† iyo Aqalka Cad u xaqiijiyeen Safaaradda inaysan  dadka Soomaalida ee haysta Kaarka Cagaaran “Green Card† ku jirin Xayiraadda Socdaalka ee saaran Somalia.
Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Safaaradda Somalia ee magaalladda Washington DC kala shaqeynayso Dowladda Maraykanka iyo Beesha Caalamka dhamaan dadaaladda lagula soconayo, looga hortago, lagulana dagaalamayo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
“Sida dadka kale ee Soomaalida, waxay Soomaalida-Maraykanka safka hore kaga jiraan Ka-hortagga Xag-jirnimadda iyo sidii looga hortegi lahaa Aragtidooda qaldan†ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Maraykanka.
Hadalka Safaaradda ayaa soo baxay, xilli ay in ka badan 26,000 oo Qaxooti  Soomaali ah oo Deganaansho ka helay Maraykanka ku xaniban yihiin dalka Kenya, kuwaasi oo ay saamaysay Xayiraaddii uu Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay Somalia iyo 6 waddan oo Muslim ah.
©Radio Dalsan