Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Maanta ayaa waxaa hortegi doono Saddex ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya kuwaas oo kulankii ugu dambeeyay ay u yeereen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Ciaan Yariisoow Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa hortegi doono baarlamaanka kuwaas oo maanta Akhrinta Koowaad ay marsiin doonaan Hindise Sharciyeedyada Cadaalada  Caafimaadka iyo Wasiirka Warfaafinta oo ka hadli doona wax ka bedelka lagu sameeyay Xeerka Saxaafada.
Diyaar garoowga furitaanka kulanka Baarlamanka Soomaaliya ayaa haatan ka soconaya Magaalada Muqdisho iyada oo aad loo adkeeyay amniga Xarunta Golaha Shacabka.