100,000 oo Haween Kenyan ah  ayaa la filayaa inay u dhoofaan Sacuudiga haddii lagu guuleysto Wada-xaajoodka u socda Labada Dowladood.
Wasiirka Ganacsiga ee Sacuudiga, Maajid Bin Cabdalla Al-kasabi iyo Wafdi ka kooban 70-xubnood  oo ka socday Hay’adaha Gaarka loo leeyahay ayaa booqasho ku jooga magaallaadda Nairobi, si ay Madaxda dalkaasi kala hadlaan arrinkaasi, Kulan ay yeelan doonaan maalinta Arbacadda ee soo socota.
Heshiiska cusub ayaa waxa uu dhigayaa inay Sacuudiga qaadan doonto 100,000 oo shaqaale Kenya oo isku jira Shaqaalaha Guryaha iyo  Xirfadlayaasha Kalkaaliyaasha  Caafimaadka iyo kuwa Farsa-yaqaanada.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay Dowladaha Khaliijka ka codsadaan Kenya Shaqaale ka shaqeeya Adeegga Guryaha..
Sannadkii 2015-kii, Dowladda Imaaraadka Carabta waxay Kenya la saxiixdeen shaqaale tiradooda dhan tahay 100,000 oo ka shaqeeya Adeegga Guryaha, balse, ilaa iyo haatan waxba lagama maqlin Heshiiskaasi.
©Radio Dalsan