Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Salmaan ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu la xiriiray Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka.
Wargeyska The Washington Post ayaa qoray inuu Dhaxal-sugaha arrinkaasi u sheegay Jarad Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Madaxweyne Trump iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton.
Wargeyska The Washington Post waxa uu xusay in sheegashada Dhaxal-sugaha timid 18 maalmood kadib dilkii Saxafigaas, xilligaas oo ay Dowladda Sacuudiga qiratay inay ka dambaysay dilkaas.
Dhaxal-sugaha waxa uu si cad u sheegay inuu Jamaal Khoshoggi ahaa Islaamiste Khatar ah oo ka tirsanaa Ururka Akhwaanul-muslimiin, waa sida uu ku andacooday.
Dhinaca kale, Qoyska Jamaal Khashoggi oo la hadlay Wargeyska The Washington Post waxay beeniyeen Eedeyntaasi, iyagoo xusay inuusan Marxuumka marnaba ka mid noqnin Ururka Akhwaanul-muslimiin.