Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga waxay si kulul u cambaareeyeen Weerarkii shalay lala beegsaday Hotel ku yaalla magaalladda Dekedda leh ee Kismaayo.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Sacuudiga oo ay baahisay Wakaalladda Wararka dalkaasi ee SPA ayaa lagu sheegay inay boqortooyadda Sacuudiga Taageero la garab taagana tahay Somalia fal kasta oo colaadeed, Xag-jirnimo  iyo qaraxyo ee ka dhan ah dadka Soomaalida.
Dhinaca kale, Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira waxa uu sheegay inay si kulul u cambaareynayaan weerarkii ka dhacay Hotel ku yaalla magaalladda Kismaayo ee Koonfurta Somalia, oo Tobaneeyo qof oo aan waxba galabsanin lagu dilay, laguna dhaawacay.
Ambassador Madeira waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoysaskii ay dadka kag geeriyoodeen  weerarkii ka dhacay Kismaayo, wuxuuna kuwa dhaawacay u rajeeyeye caafimaad degdeg ah.
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka AMISOM sii wadi doonaan inay taageeraan Ciiddanka Dowladda iyo inay la wareegaan deegaanadda ay weli Alshabaab maamulaan, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay AMISOM kala shaqeyn doonaan DF iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federalka sidii loo soo qaban lahaa, loona so omaxkamdayn lahaa kuwa geysta Dembiyadaas oo kale.