Hay’adda Boqortooyadda Britain ugu qaabilsan Cilmiga Xiddigiska ee Britain’s Royal Astronomical Society (RAS) ayaa sheegtay inay qorraxda maanta madoobaan doonto ilaa 7 saacadood, waa sida ay Khubaradaasi saadaaliyeen.
Inta badan qorrax madoobaadka ayaa la tilmaamay in laga dareemi doono Galbeedka Qaaradda Europe, qeybo ka mid ah Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika, Bariga Dhexe, Bariga Waqooyiga Ameerika.
Sidoo kale inta badan Qaaradaha Afrika iyo Asia ayaa qeybo ka mid ah laga arki doonaa Qorrax-madoobaadka.
Bariga Afrika waxaa la sheegay inay qorraxdu madooban doonta saacaddu markay tahay 02:14 daqiiqo ee Duhurnimadda maanta, waa sida ay Xiddig-yaqaanaddu saadaaliyeen.
Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Hawada Sare ee NASA ayaa sheegtay inay Websaytkooda   si toos ah ugu baaahin doonaan marka ay dhacdo Qorrax-madoobaadka la filayo in maanta la arko.        http://www.nasa.gov/transit
Sidoo kale, Hay’adda Slooh ee ku takhasustay Cilmiga Xiddigiska (Falakiyah) ayaa sheegtay inay toos ugu baahin doonto Shabakadooda http://live.slooh.com
Khubarada Xiddigiska (Astronomers) waxay saadaaliyeen inay Qorrax-madoobaadka bilaaban doonto saacadda markay tahay 11:12 daqiiqo ee Xilliga GMT oo u dhiganta 02:14 daqiiqo ee xilliga Bariga Afrika (EAT), waxayna socon doontaa ilaa 18:42 daqiiqo ee GMT ama 06:42 daqiiqo ee Xilliga Bariga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Ilaahay baase og Xaqiiqda Dhacdadaasi la saadaaliyey, waxaana qorrax-madoobaadka la arkaa  100-kii sanno celcelis ahaan muddo 13 saacadood.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan