Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo si adeg u cambaareeyay falalkii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne ayaa sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka.
War-saxaafadeed dheer oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta.
“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta†ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Rooble ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay in falalka fulaynimo ee noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan.
Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha, shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in doorashada dalku ku soo gabagebowda sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana lala xisaabtamo oo caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha nooc kasta oo ay yihiin goor ay noqotaba, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan yihiin caddaaladda iyo dowladnimada.