Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay walaaca Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ka qabaan guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo mid maamul Goboleed ee la magacaabay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee walaaca ka qaba Guddiyada Doorashada, isla markaana uu faham siin doono wax ay yihiin xubnaha la magacaabay.
Isaga oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Baydhabo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu tilmaamay in Musharaxiinta uu la tashi kala sameeyn doono Arrimo ku aadan Guddiyada, si loo xaliyo khilaafyada ka dhashay arrintaas oo meel sare gaaray.
Sidoo kale Maxamed Rooble ayaa Carabka ku dhuftay in muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii Madaxda dowladda federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaareen doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaanm 2020/21.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen Magaalada Baydhabo.