Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Somalia Partnership Forum ee Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Beesha Caalamka uga socda Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo marka horey furay shirka ayaa khudbadiisa uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka, horumarada ay gaartay dowladda iyo Cudurka Coronavirus oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka.
Inta ay socotay khudbada uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa shaaciyay inuu dhawaan sarafo kala duwan ku tegi doono Magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Garoowe oo ah maamul Goboleedyada Galmudug iyo Puntland, si loo xaliyo tabashooyinka ka jira Doorashada dalka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxda maamul Goboleedyada dalka ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay shir isugu imaan doonaan, kaasi oo uu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ka dhici doono Magaalada Muqdisho.
Si kastaba hadalka RW Rooble ayaa kusoo beegmaya, iyada oo weli maamulada Jubbaland iyo Puntland aysan soo gudbin xubnaha ku metelaya Guddiyada Doorashadooyinka, waxaana uu muran xoogan uu ka taagan yahay Guddiyada la magacaabay oo kasoo horjeedan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.