Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Xarunta Maamul Goboleedka Galmuug ee Dhusamareeb, waxaana soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Rooble.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kasoo amba baxay magaalada Garoowe Xarunta Maamulka Puntland, waxaana soo sagootiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda Maamaulka Galmnudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug, waxaana uu kala hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay fashil kusoo dhamaadeen kulamo siyaasadeed oo u lasoo yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah mid uu ku marayo Qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka, waxaana uu maal mahaan ku sugnaa doonaa Degaanada Maamulka Galmudg.