Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wakiillada beesha caalamka kala shiray xaaladda abaaraha dalka, ayaa ku boorriyay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.
â€Waxaan mar kale caalamka ka codsanayaa in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, si looga hortago macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adagtahay in wax laga qabto†ayuu yiri RW Rooble.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intaa ku daray dib u dhaca gurmadka ay sababi karto dhimasho, maaddaama xaalado bani’aadanimo ah ay dalka ka jiraan, isagoo codsi u diray deeq bixiyayaasha caalamka.
“Waxaan codsanayaa dhaqaaq iyo gurmad deg deg ah oo hadda ah. Dib u dhac kasta oo ku yimaad gurmadka uu shacabkeennu u baahan yahay, wuxuu sababayaa dhimashada dad badan oo maanta la badbaadin karo†ayuu yiri Rooble