Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadik Xirsi Warfa ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay.
Munaasabadda Xarig jarka Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Safiiradda beesha caalamka, Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Munaasabadda ayaa waxaa uu sheegay in Xaruntan tahay goob muhiim ah, isla markaana loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Wasiir Sadik Xirsi Warfaa ayaa waxaa uu isna sheegay in Xarunta Wasaaradda ay qarax ku burburiyeen Al-shabaab, hayeeshee haatan dib u dhis ballaaran lagu sameeyay, isagoona u mahadceliyay inta ka qeyb qaadatay dhisamaha Xarunta.
Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax ku qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyadoona xiligaas dadka weerarka ku dhintay uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.