Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga.
Kulanka u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo  Nicolas Berlanga ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2020/2021.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa qodobada ay ka wada hadleen waxaa ku jiray dib u habeynta Amniga iyo dhameystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya.
Midawga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacya badan oo ay kamid tahay tababarrada ciidamada Booliiska si sare loogu qaado awoodda iyo xirfadda sugidda amniga mawaadiniinta.