Dowladda Somalia ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii ay Diyaarad Helikoptar ku dishay ugu yaraan 40-Qaxooti Soomaali ah oo la socday dooni maraysay meel ka baxsan Xeebaha Yemen.
Waxaa loogu baaqay Isbahaysiga Milliteri ee ay Sacuudiga hoggaamiyaan inay baaraan arrintaasi.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Qaxootiga Soomaalida la rasaaseeyey, xilli ay ku jireen safar-baddeed Habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay, iyagoo ku sii jeeday Xeebaha dalka Suddan.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska RW Xukuumadda Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu cambaareeyey weerarkaasi, laguna tilmaamay mid aan xaq ahayn.
“Dhibanayaasha waxay ahaayeen dad Birri-ma-geydo ah oo aan hubeysnayn, intooda bandanna ahaa Haween iyo Carruur†ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska RW.
Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, C/salaam Cumar Hadliye ayaa isagana sheegay inay Isbahaysiga Milliteri ee ay Sacuudiga hoggaamiyaan mas’uul ka yihiin Toogashadaasi, wuxuuna ku baaqay in la baaro Weerarkaasi lagu dilay Qaxootiga Soomaalida.
Isagoo la hadlayey Warbaahinta DFS waxa uu Dowladda Yemen ka codsaday inay Faahfaahin ka bixiyaan weerarkaasi iyo in sharciga la hor keeno kuwii ka dambeeyey weerarkaasi.
Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Xuutiyiinta oo gacanta ku haysa Gobalka Xudeyda ee lagu duqeeyey Qaxootiga Soomaalida waxay ku cambaareeyeen Isbahaysiga Sacuudiga inay ka dambeeyeen Mashaqadaasi.
Balse, Afhayeenka Isbahaysigaasi, Jeneral Axmed Al-casiiri ayaa sheegay inaysan ka dambaynin dilka Qaxootiga Soomaalida, wuxuuna ku dooday in rasaas fudud lagu dilay Qaxootiga.
Waxa kale oo uu tilmaamay inaysan Isbahaysiga wax hawlgalo ah ka fulinin Deegaanadda Gobalka Xudeyda ee Qaxootiga Soomaalida lagu waxyeeleeyey.
©Radio Dalsan