Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Markale shir Guddoomiyey Shirka Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, kaasi oo lagu qabtay Mareegta Internet-ka.
Inta uu socday Shirka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta iyo wacyi-gelinta Cudurka halista ah ee Coronavirus oo in badan 400 oo Kiis laga helay gudaha Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta, iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya inay la timaado qorshe ballaaran oo dhamaan dadka looga baarayo Cudurka Coronavirus oo kusiin faafaya Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka Coronavirus, xilliga gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey in ka badan 400 oo xanuunkaas ah.