Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah Koonfur Galbeed ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah.
Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ugu sarreysa maamulka Koonfur Galbeed,qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Baydhabo iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa Safarka Ra’iisul Wasaaraha.
Intaasi kadib ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kulan la qaatay dhalinyarada Baydbabo,iyagoo ka hadlay sidii loo furi lahaa wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inta uu ku sugan yahay Baydhabo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ka hadli doono Arrimaha kala ah horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada.
Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu kormeer ku tego Goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah Koonfur Galbeed.