Sarkaal uu Ruushka u magacaabay gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine ayaa muujiyay in Moscow ay isku dayi karto inay qabato codbixin ku saabsan in Ruushka lagu daro gobolka Kherson.
“Waxay u badan tahay inay afti dhacdo ,” ayuu yiri Kirill Stremousov, oo ah ku xigeenka madaxa maamulka ee ay magaalada Kherson Kremlin-ka u magacaaben.
Ma uusan sheegin taariikhda la qabanayo aftida la sheegay ee suurtagalka ah, Waxayna u muuqataa mid aan macquul ahayn in codbixin lagu qabto gobol uu dagaal ka socdo.
Ciidamada Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday Kherson.