Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada hadal dhanka khadka telefoonka ah kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa ee ay ku hanti beeleen shacab farabadan oo Ganacsiyo waa weyn ku lahaa Suuqa Waaheen ee Magaalada hargeysa.
Rooble ayaa  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa uu u muujiyay sida uu u garab taaganyahay shacabka dhibaatadu gaartay.
Wadahadalka Ra’iisul Wasaaraha iyo Muuse Biixi ayaa imaanaya Rooble uu amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.