Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa kormeeray hoolka weyn ee teendhada Afisyooni ee Ciidamma Cirka Soomaaliyeed.
Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ayaa ah goobta lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha JFS, marka ay soo idlaato doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Guddoonka labada aqal ee BFS.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Mareykanka ayaa indho-indheyn kusoo sameeyay Teendhada Afisyooni ee Ciidanka Cirka oo dhawaan lagu qabtay doorashooyinka Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo kuwa Xildhibaanada Banaadiriga ah.
Kahor kormeerkan ayey Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta iyo Safiir Larry Andre kulan gaar ah ka yeesheen Arrimaha dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ee socda iyo xaaladda amni ee dalka.
Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada, iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.