Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa maanta kormeer guud oo qiimeyn ah ku soo sameeyay barakacayaasha ku nool Garasbaaley oo saameyn xoog leh ku yeeshay roobabkii da’ay.
Kormeerkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada C/laahi Cabdi Maxamuud, Xoghayaha Garasbaaley C/raxiin C/laahi Liibaan.
Guddoomiye Garyare iyo xubnaha kale ayaa intii ay kormeerka ku jireen waxa ay goobaha caafimaadka u direen dhawr qof oo roobka iyo qabowgiisa uu saameyn ku yeeshay, waxaana ku jiray haween jilicsan oo ilmo yar heystay.
Guddoomiyaha Garasbaaley ayaa sheegay dhibaatada dadkan heysata inay ka sii dari karto, maadaama la filaayo in saacadaha soo socda ay yimaadaan roobab mahiigaan ah, wuxuuna dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha deeqaha bixiya ka dalbaday inay dadkan la soo caawiyaan, si ay u helaan adeegyada la xiriira nolosha aas aasiga ah.
Garasbaaley oo marti gelisay barakacayaasha ugu badan ee ku nool magaalada Muqdisho ayaan ilaa hada lala soo gaarin wax gargaar ah, tan iyo markii ay bilawdeen roobabkii maalmahan socday.