Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Somaliland ayaa sheegaya in halkaas ay ka da’een roobab xoogan oo mahiigaan ah, kuwaasi oo siweyn loogu diirsaday.
Roobka ayaa si aad ah uga da’ay deegaan lagu magacaabo Cabdi Geeddi oo waqooyi kaga beegan Magaalada Hargaysa, iyadoona dabeyl la socotay roobka ay dumisay guryo ku yaallay deegaankaas.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in roobkii ka da’ay deegaanka Cabdi Geeddi uusan geysan Khasaaro nafeed ah, hayeeshee uu jiro mid hantiyadeed.
Dhinaca kalena gargaar dhinaca cirka la mariyey ayaa gaaray magaalada Bardaale ee Gobolka Baay oo ay go’doomiyeen roobabkii dhawaan halkaa ka da’ay.
Gargaarkan ayaa waxaa lagu qaaday diyaarado helikobtarro ah, waxaana la geeyey raashin iyo daawo ay qaadeen diyaarado sida gargaar ay bixiyeen hay’adaha deeqda sida USAID.