Xili roobaadka Gu’ga ayaa maanta ka curtay Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe waxaana rooobkii maanta da’ay uu ahaa mid dadku ay ku diirsadeyn.
Roobka ayaa ka da’ay deegaano badan oo dhaca degmada Mahadaay iyo daafaha Magaalada Jowhar,xili deegaanadaasi kuleel daran uu ka jiray maalmihii ugu dambeeyay.
Xili roobaadka gu’ga ayaa iminka ka curtay deegaano katirsan gobolada Dalka,waxaana kal hore uu gu’ga ka curtay deeganada dhaca gobolada waqooyi ee Somalia