Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, kadib markii saakay halkaas uu ka dhacay Banaanbax xoogan oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan halkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Buulo-burte ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa dhigayay, kaasi oo ay uga soo horjeedan Safar Maanta lagu wado inuu halkaas ku gaaro Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in rasaasta ay fureen Ciidanka uu ku dhintay hal ruux oo shacab ah, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo la dhigay Isbitaalka degmada.
Shacabka Buulo-burte ayaa ka soo horjeestay Maamul Cusub oo dhawaan Degmadaas u Magacaabay Wasiir Maxamed Cali Caadle, iyadona xalay uu magacaabay Duqa Cusub ee Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar kamid ah dadkii dhigaayay Banaanbaxa ay xireen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka howlgalka AMISOM ee ku sugan Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Wafdi ka socda Maamulka Hirshabeelle oo uu hogaaminayo Wasiir Caadle ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay halkaas gaaran, iyaoona la sheegayo inuu weli socdo Banaanbax xoogan.