Garoonka Caalamiga ee magaalladda Qaahira ee dalka Msaar waxaa shalay lagu qabtay Rakaab doonayey inuu si dhuumaalaysi ah dalkaasi ugala baxo in ka badan 46,000 oo Lacagta laga isticmaalo dalalka Midowga Europe ee loo yaqaano EURO.
Hadal ka soo baxay Maamulka Garoonka Qaahira ayaa lagu sheegay in ay Ciiddanka Ammaanka gacanta ku dhigeen Rakaabkaasi oo raaci lahaa Diyaarad ku sii jeeday caasimadda Talyaaniga ee Rome.
Rakaabka la tuhunsanaa ayaa la sheegay in shaandadii uu watay la helay lacag dhan 46, 385 EURO oo uu ku soo dhex qariyey Albumka lagu kaydiyo Sawiradda Khaaska ah.
Ciiddanka Ammaanka ee Garoonka Qaahira ma aysan shaacinin magaca iyo sawirka Rakaabka lagu qabtay Lacagahaasi, kaasi oo haatan lagu hayo baaritaano dheeraad ah, lana filayo in lasoo maxkamadeeyo.
Sharciga Maaliyadda ee dalka Masar waxa uu dhigayaa in dadka rakaabka loo fasaxay inay qaataan Lacag ugu badnaan 5,000 oo Giniga Masar (The Egyptian pound) ama lacag qalaad oo u dhiganta 10,000 oo US Dollar ah.