Ra’isul-wasaare Xaydar Al-cabaadi ayaa sheegay inay Ciiddankiisa ku jiraan marxalladii ugu dambeysay, si ay Kooxda Daacish uga wada saaraan Galbeedka Mosul.
Isagoo saxaafadda kula hadayey magaalladda Baqdaad ayaa ugu baaqay Maleeshiyadda Daacish inay isku soo dhiibaan Ciiddanka Dowladda ama la wada dili doono.
Waxa uu ku baaqay in Qoysaska Kooxda Daacish ee rayidka ah la badbaadiyo, balse lala dagaalamo Maleeshiyadda hubeysan.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Xaydar Al-cabaadi ayaa sheegay inuu isbuuca soo socda u safri doono Marayknka, si uu Mdaxweyne Donald Trump kala soo xaajoodo Arrimaha Dagaalka.
Milliteriga Maraykanka waxay Ciiddanka Iraq ka taageeraan Duqeymaha dhul iyo cir ee lagu hayo Mleeshiyadda Daacish-ta ku sugan Galbeedka Mosul.
©Radio Dalsan