Maamulayaasha dalkaasi ayaa shay in R.Wasaarihii hore, Nawaas Shariif loola cararay Isbitaalka, kadib, markii uu xanuun dhinaca Wadnaha dareemay.
Nawaas Shariif oo 68-jir ah waxaa shalay laga saaray Xabsi ku yaalla magaalladad RUWALAPINDI, Waxaana loo  wareejiyey Isbitaalka Khaadka ee Machadka Daaweynta ee PIMS oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Islamabaad.
Warbaahinta Dowladda dalkaasi waxay sheegtay inay Dhakhaatiirta baarrrn Nawaaz Shariif oo isaga ka cabanayey xanuun dhinaca Laabta, waxayna Dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inay jiraan dhaqhaqaaq la’aan ku yimaada Wadnaha.
Bishan July 24-dii, Qoraal dhinaca Caafimaadka ayaa lagu sheegay inuu u baahan yahay La-tashi Daryeel Caafimaad.
Sannadkii 2016-kii waxaa lagu sameeyey qaliin dhinaca Wadnaha, waxaana la sheegay inuu yahay Bukaan la il-daran Cuddurka Macaanka ee Diaberic.
Ra’isul-wasaarihii hore ee Pakistan waxaa xilkaasi laga qaaday bishii July ee sannadkii hore, kadib, markii lagu soo oogay falal Musuqmaasaq ah, waxaana lagu xukumay Xabsi 10-sanno oo dhawaan u bilowday.