Warbaahinta Dowladda dalkaasi ayaa maanta shaacisay in Najiib Razaaq lagu xiray magaalladda Kuwaala Lambuur, isagoo lagu eedeynayo inuu lunsaday dhan 1 million oo Lacagta dalkaasi, oo u dhiganta USD 11.73 billion) oo Dollar.
Qareenka Qoyska Najoob Razaaq oo maanta la hadlay Telefishinka Channel News Asia waxa uu sheegay in Ra’isul-wasaarihii hore berri lagu soo oogi doono kaalintii uu ku lahaa Lacagtii Maalgelinta ee uu lunsaday.
Dhinaca kale, Hay’adda Ka-hortagga Musuqa ee dalkaasi waxay su’aalo weydiisay Riza Casiis oo ehel la ah Ra’isul-wasaaraha, isla markaana ah Filim Soo-saare ka tirsan Shirkadda Aflaantasameysa ee Hollywood ee laga leeyahay dalka Maraykanka.
Baarayaasha Maraykanka waxay sheegeen inuu Riza Casiis lacagta la dhacay uu ku maalgeliyey Filimo ay Shirkadda Hollywood soo saartay.