Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho,waxaana uu indho indheen ku sameeyey sida ay u socoto shaqada Dekedda oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Kheyre ayaa ku bogaadiyey howl wadeenada Dekedda Muqdisho inay laba jibaaraan shaqada ay hayaan, isagoo gudaha Dekedda kulan Khaas ah kula qaatay masuulyiinta oo uu kala hadlay in la adkeeyo shaqada.
Dhawaan ra’isul wasaaraha xukuumada ayaa maareeyaha Dekedda u magacaabay, Axmed Washingtong, iyadoo xilkii laga qaaday maareeyihii hore C/laahi cali nuur, sheegeyna inuu qeyb ka yahay isbedelkaas dadaalada loogu jiro hormarka dalka.
Halkaan hoose ka DAAWO SAWIIRRADA:-