R’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa maanta diyaarad Helicopter looga qaaday xarunta xalane ee AMISOM, waxaana lagu dajiyey markab dagaal oo ka mid ah kuwa caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kulamo kula qaadanayo gudaha markabkaasi oo laga leeyahay dalka Spain qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada la dagaalanka burcdbdeeda ee ku sugan xeebaha dalka, si ay uga hortgaan weerarad kooxaha burcada.
Wariyaha Radio Dalsan Xassan Cali Cismaan Istiila oo la socda wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa soo sheegaya inuu kulamo gaar ah la qaadanayo sarakiisha cadaanka ee howgla burcadbadeeda oo uu kala hadlayo arrimha la dagalanka kooxadaasi iyo howlgalada ay ka fuliyaan xeebaha dalka oo xilliyad qaar dhibaatooyin ay kala kulmaan kaluumeysatada Soomaalida ee ka jalaabta xeebaha dalkeena.
Ciidamo ka socda Midowga Yurub oo wata maraakiib dagaal ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan kooxaha burcadbadeeda ee ka danbeeya qafaalasha maraakiibta shisheeye ee isticmaala xeebaha dalka.