Theresa May ayaa booqanaysa dalka Sacuudiga, si ay hubaal uga dhigto Maalgashiga ugu weyn Ganacsiga ee ay la leeeyihiin dalka Sacuudiga.
Ajendaha ugu weyn ee ay maanta kala hadli doono Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa ah Arrimaha Dhaqaalaha iyo inay dalka Sacuudiga ka helaan Maalgashi lagu xoojinayo Dhaqaalaha Britain.
Sacuudiga ayaa ah dalka ugu weyn ee Ganacsiga la leh Britain, waxaana Badeecadaha ay ka soo iibsadeen Britain sannadkii 2015-kii lagu qiimeeyey lacag dhan 8 BILLION oo Dollar.
Dalka Britain waxaa soo food saaray Culays dhinaca Maalgashiga, kadib, markii ay ku dhawaaqeen inay ka baxeen Ururka Midowga Europe oo ay xubin ka ahaayeen 44-sanno.
©Radio Dalsan