Muqdisho, February 27, 2016……Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee xalay ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in xasuuq ay ugu geystaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda (Peace garden), halkaas oo ay ku nastaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed waqtiyada ay jaaniska leeyihiin.
Falkaasi argagixiso oo loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen.
“Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo horumarka dalka. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa iney meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada. Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, ma ahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin.â€ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhiiranaanta ay muujiyeen ciidanka ammaanka ee ka hortagay in qaraxaasi gaaro bartii cadowgu la damacsanaa.
Wuxuna ugu baaqay Hay’adaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaritaana ku sameeyaan dhacdadaas.
—–DHAMAAD—
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM