Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo dhawaan Cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday Magaalada London ayaa Maanta oo Jimca ah waxaa lagu aasayaa Magaalada London.
Qoraal shalay kasoo baxay Qoyska Marxuumka ayaa lagu xaqiijiyay in Nuur Cadde la aasi doono Maanta oo Jimco ah, isla markaana lagu aasi doono qabuuro ku yaalla Magaalada London markii saacada UK tahay 04:00 galabnimo, halka xiligaas ay Muqdisho ku beegan tahay 06:00 Maqribnimo.
Allaha u naxariistee ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa u geeriyooday xanuunka dunida faraha ba’an ku haya ee Corona oo Soomaali badan ay ugugeeriyoodeen dalal ku yaallaYurub.