Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Manama ee dalka Baxrayn, Ra’lisul Wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Axmed Cabdallah Al-Ahmad Al-Sabaax.
Labada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dalka iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga ku saleysan walaaltinimada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait.
Xamse Cabdi Barre ayaa shalay ka qeyb-galay Meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta , isagoo khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin, waxa uuna sheegay murugada ay nagu hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.