Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya haddii ay dhici weydo uu dalka ka galayo xaalad mugdi ah, ayna dadka ku adkaaneyso noloshada caadiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dib u dhaca ku yimid doorashada uu hoos u dhac weyn u keenay Ganacsiga dalka, isla markaana ay istaageen dhammaan lacagihii dowladda Federaalka lagu taageeri jiray, sababo la xiriira is jiid-jiidka ka jira doorashada.
Rooble ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan dad carqalad ku haayo doorashada dalka ka dhaceysa oo ay ka shaqeynaya Ajendooyin kale, ayna ku doonayaan inay jiidaan ama ay hakiyaan doorashada Soomaaliya, isla markaana dano kale ka dhex raadinaya.
“Meesha loo socdo waa doorashada in la carqaladeeyo, cadaaladda waa ay naga go’an tahay hufnaanta doorashada waa muhiim cid kasta oo caqabad u aragta cadaalada aan wadno, iskuna daydo inay xumeyso doorashada kama yeeleynoâ€ayuu yiri Rooble oo aan sheegin cida carqalada ku heyso doorashada.
Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayuu sheegay in Isniinta soo socota uu Magaalada Muqdisho ka furmayo Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadli doono dardar-gelinta iyo sixida hannaanka doorashada.
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay kulankii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka iyo diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.