Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo
Wuxuu u mahadceliyay Guddiyadii doorashada maamulay ee Guddiyada Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo kuwii Banaadiriga, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay ee laga xiray waddooyinka qaar ee Muqdisho
“Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi” ayuu yiri RW Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajeeyay in doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhammaato muddadii uu isla gartay Golaha Wadatashiga Qaranku ee 15-ka Maarso.