Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Dani, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka oo diiradda lagu saarayo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Puntland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saaraysa adkeynta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobolleedyada dalka.
Ra’iisul Wasaraha ayaa sidoo kale booqan doona dowlad-goboleedka Galmudug oo uu kula kulmi doono madaxda iyo bulshada