Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Goordhow waxaa gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta mucaaradka.
Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweynaha oo goor sii horeysay Garoonka la isugu geeyay.
Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Baydhabo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka qaarkood la dhigay Ciidamo gaar ah oo sugaya amniga, sidoo kalena baaritaano ku sameeynaya gaadiidka, isla markaana waxaa waddooyinka la suray Tabeelayaal lagu xar-dhay Sawirrada RW Maxamed  Xuseen Rooble.