Ra’iisul wasaaraha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhweyd si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Caabud-waaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Waxaana Soodhweyntiisa ka qayb qaatay Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Qaybaha kala duwan ee  bulshada Degmada Caabud-waaq
Wararku waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu kulamo kala duwan la yeelan doono Maamulka degmada, Saraakisha Ciidanka ee ku sugan Gobolkaasi iyo sidoo kale bulshada Magaalada, waxaana xusid mudan in Magaaladaas iyo tuulooyinka hoos yimaada ay dhawaan ka dheceen dilal la xariira aanooyin Qabiil.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka amba-baxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Gobleedka Galmudug, halkaasi oo uu dhawanahaan ku sugnaa, waxaana intii uu joogay Dhuusamareeb uu kulamo kala duwan la lahaa Madaxweynaha Maamulkaasi iyo qaybaha kal duwan ee Bulshada Dhuusamareeb.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay socdaal ugu tagay Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland, waxaana uu wada hadalo la yeeshay Madaxweyne Siciid Cabulaahi Deni, isagoo kala hadaly arrimo ay ka mid yihiin Doorshashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan, inkastooo la sheegay in ay fashilmeen wada hadaladaasi, oo la isku mari waayay.