Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Kuwait oo booqasho ku tegay Safaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kuwait.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan ah xarunta Safaaradda kula qaatay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait iyo howl-wadeenada Safaaradda, isagoo warbixin ka dhageystay Safiirka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait iyo howl-wadeenna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay shacabka ugu adeeggaan, una matalaan Qaranka iyo Ummadda.
Ugu dambeyn Maxamed Xuseen Rooble ayaa komeer ku sameeyay qolalka ay ka kooban Xarunta Safaaradda, waxaana isaga iyo wafdigiisa la socotay halkaas loogu dhaweeyay si wanaagsan.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maalin kahor gaaray Kuwait dalka, isla markaana waxaa Rooble halkaas uu uga qeyb galay tacsida iyo duco amiirkii dalka Kuwait ee geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.