Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.
Dagaallo qaraar oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh gaystay ayaa tan iyo saaka ka socday degaanada Deefow iyo Kabxanley, waxaana dagaaladaasi ay yihiin kuwo salka ku haya Aanooyin qabiil, iyadoo horay sidaan oo kale ay u dhaceen dagaaladaasi u dhexeeya labada beelood ee walaalaha ah.