Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay, Axmid Cumar ayaa sheegay in ugu yaraan 32 qof ku geeriyootay, 50-kalena ku dhaawacmeen Iska horimaadka ka socda duleedka caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Afhayeen kale oo u hadlay Ciiddanka uu hoggaamiyo Jeneral Khaliifa Xaftar waxa uu sheegay in 14 Dagaalyahan looga dilay Iska horimaadkaasi, iyadoo Kooxda Khaliifa Xaftar la sheegay inay qabsadeen Saldhigga Milliteriga ee Yarmuuk oo ku yaalla Koonfurta Tripoli.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare-ku-xigeenkii Dowladda Liibiya, Cali Al-khadraani ayaa sheegay inuu iska casilay Dowladda ay QM taageerto, kuna biiray Kooxda Jeneral Khaliifa Xaftar.
Waa mas’uulkii 2-aad ee ka goosta Dowladda Ra’isul-wasaaraha ka yahay Fayiz Mustafa Al-serej, iyadoo Xildhibaan lagu magacaabo Muuse Al-kooni iska casilay Barlamaanka dalkaasi, kadib, markii uu Heshiis Siyaasadeed iyo Ku-biiris la galay Kooxda Khaliifa Xaftar.
Wararka kale ee ka imaanaya Dagaalka Liibiya waxay sheegayaan inay ugu yaraan 2,200 qof ka barakaceen dagaalka ka socday Koonfurta Tripoli, halka dad badan oo rayid ah ku xayiran yihiin magaalladaasi.