Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa soo xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.
Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayay xiritaanka kulan Sanadeedka Xafiiska Hanti-dhowraha dalka ayaa sheegay inay Baaris ku sameeyeen 25 Wasaaradood iyo Shan ka mid Hay’addaha Amiga,arrintaas oo uu sheegay in ay qeyb ka tahay nimaadka Maaliyadda dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa Hantida-Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleda (Qadar) ayaa bogaadiyay wadashaqeynta Xafiisyada Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka,waxaa kaloo intaas uu ku daray in lagama maarmaan ay tahay in laga shaqeeyo Hormarinta dalka.
Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Qaran ayaa haatan horyaala Golaha Aqalka Sare, waxaana uu sharci rasmi ah noqon doonaa markuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu saxiixo.