Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa lagu wadaa in Maanta uu  u ambabaxo Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta kadib markuu uu Casuumaad ka helay Madaxda dalkaas.
Safarka Kheyre ee Imaaraadka ayaa tiro ka dhowr jeer u baaqday arrimo farsamayo balse la filayo in Maanta oo Axad ah uu u duulay Imaaraadka Carabta.
R’iisul Wasaare Kheyre ayaa booqashada uu ku tegi doono Imaaraadka ayaa ka dambeeyay kadib markii uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada dalkaasi shirkii Davos ee Switzerland bishii hore lagu qabtay.
Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaare kheyre Imaaraadka ayaa waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta dalkaas,isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal oo hoos u dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqtay Khilaafkii Wadamada Khaliijka.
Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug yeeshay xaalada Siyaasadeed ee dalka,waxaana tani ay sahli kartaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sameeyay furfures Siyaasadeed.