Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.
Kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana qeyb ka ahaa xoojinta xiriir wanaagsan ee dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaasi oo ku samleeysan iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ugu madceliyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar, wuxuuna sheegay inuu la qaatay kulan miro dhal ah, uuna ku faraxsan yahay.
“Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga†ayuu yiri Ra’iisul Waasare Kheyre.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, iyagoo halkaas u jooga Safar shaqo, sida uu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta ee Kheyre.