Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waxaa uu dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa haatan waxaa uu markale Dhuusamareeb kulamo kula leeyahay Madaxda maamulka Galmudug ee halkaasi ku sugan iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.
Warar Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Dhuusamareeb ayaa waxa  ayaa sheegayaan in Xasan Cali Kheyre Madaxda uu kulanka la leeyahay uu kala hadlayo sidii Dhuusamareeb loogu wareejin lahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo arrimo kale.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu heshiis la saxiixan doono Madaxda uu la shirsan yahay,isla markaana saacadaha soo socda war-murtiyeed laga soo saari doono.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo waxa uu ku joogaa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud,waxaana socdaallo kala duwan uu ku tegay Cadaado,Caabudwaaq,Huurshe,Xeraale iyo Magaalada Dhuusamareeb uu haatan oo ku sugan yahay.