Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Safarka Ra’iisul Wasaare ayaa waxaa ku wehlinaya xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, iyagoona saacadaha soo socda tagaya Dhuusamareeb.
Ujeedka Xasan Cali Kheyre ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii uu dhameysti lahaa Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ee ku aadan Guddiga farsamaha maamul dhisida Galmudug,kaasi oo si hordhac xalay ay u wada gaareen labada dhinac.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ra’iisul Wasaare Kheyre inta uu ku sugan halkaas uu Ahlusunna kala hadli doono arrimaha Doorashooyinka Galmudug iyo sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen Doorashada.
Qaban-qaabadda soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug,iyadoona amniga siweyn loo adkeeyay.
Xalay ayaa Dhuusamareeb waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye iyo Hoggaanka Sare ee Ahlusunna, iyagoona heshiis is afgarad ah ka gaaray tabashadii Ahlusunna ka qabtay Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo dhawaan ay magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya.