Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku tagey goobtii qaraxa uu ka dhacay Maalin ka hor,Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ee Soobe