Shirka Golaha Loo dhan yahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta ka furmaya magaalada Newyorka ee Dalka Mareykanka,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Wefdiga raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray magaalada Newyorka,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wefdigiisa.
Arrimaha loga hadlidoono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto,waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Waxaa lafilayaa in shirkaasi uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku soo bandhigo horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka uu ka taageero.