Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta lagu waday inay u ambabaxaan Magaalada Baladweyne, hayeeshee waxaa uu ka baaqday.
Sababta uu u baaqday Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii xalay roobab xoogan ay ka da’een Baladweyne, isla markaana la sheegay inay adeg tahay in Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ay ka degto diyaarad.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Baladweyne ayaa waxaa ku wehlin lahaa qaar kamid ah Goliisa Wasiirada, xubno ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha dalka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiskiisa, waxaana la shaaciyay in Safarka uu ka baaqday.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu qiimeeyn kusoo sameeyn lahaa sida ay u socdaan howlaha gargaarka ee loo sameeynayo dadkii dhawaan Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Dhinaca kale Magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu waday in Maanta ay tegaan Madaxweyneyaashii hore ee dalka, hayeeshee waxaa lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadee Magaalada Muqdisho.